Kulankii muhiimka ahaa ee xalay dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Golaha Samatabixinta ayaa diiradda lagu

 Kulankii muhiimka ahaa ee xalay dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Golaha Samatabixinta ayaa diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka, iyadoo laga hadlay qodobo dhowr ah oo taabanaya masiirka qaran.


1. Dastuurka Qodobkiisa 4aad:

Madaxweynaha ayaa markale muujiyay diyaar u ahaanshihiisa katanaasulka Cutubka Afaraad ee Dastuurka, isaga oo xusay in uu arrintaas kala tashanayo saaxiibadiisa siyaasadeed si loo gaaro is-afgarad qaran.



2. Ballanta 10-ka Agoosto:

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu xaqiijiyay in ballanta dib-u-heshiisiinta ee lagu wado inay dhacdo 10-ka Agoosto ay weli taagan tahay, isla markaana aan wax isbeddel ah lagu samaynin qorshahaas.



3. Xaaladda Baladxaawo:

Madaxweynaha kama uusan leexleexan colaadda ka taagan duleedka Baladxaawo, gaar ahaan xerada ay ciidamada UK ku sugan yihiin, taasoo muujinaysa in uu si buuxda ula socdo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee halkaas ka socda.



4. Markabka Hubka ee Puntland:

Madaxweynaha wuxuu ka muujiyay walaac iyo niyad jab ku saabsan hubka markabka laga dejiyay Puntland, isagoo ka dhawaajiyay in arrintaasi ay cabsi galisay Villa Somalia.

. Walaaca Golaha Samatabixinta:

Golaha Samatabixinta waxay Madaxweynaha la wadaageen dareenkooda ku aaddan khatarta iyo cawaaqibka ka dhalan kara colaadda sii kordheysa ee duleedka Baladxaawo, iyagoo ku baaqay in tallaabo degdeg ah laga qaado si looga hortago dhiig daata.


Comments