Dowladda Turkiga ayaa goor dhaw diray wafdi heer sare ah oo gaaray magaalada Boosaaso,

 Dowladda Turkiga ayaa goor dhaw diray wafdi heer sare ah oo gaaray magaalada Boosaaso, taasoo muujineysa xiisaha sii kordhaya ee Turkiga ku leeyahay gobolka Puntland ee Soomaaliya. Wafdigan, oo la rumeysan yahay inay wataan fariin culus oo diblomaasiyadeed, ayaa kusoo beegmaya xilli siyaasadda gudaha Puntland ay tahay mid kacsan, iyadoo khilaafyo siyaasadeed iyo cabashooyin bulshada ka jira ay sii xoogaysanayaan.


Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni (Dani), ayaa lagu warramayaa inuu wajahayo xaalad adag oo uu horey u sii saadaalin karin. Arrintani waxay imaanaysaa iyadoo Turkigu uu si toos ah u doonayo inuu gacan ka helo Puntland, gaar ahaan arrimaha amniga, dhaqaalaha, iyo saameynta gobolka ee badda cas iyo gacanka Cadmeed.


Waxaa kaloo xiiso leh in maamulka Puntland uu isla markiiba ku dhawaaqay war layaab leh oo aan si cad loo shaacin, balse lagu tilmaamay mid saameyn ku yeelan kara xiriirka Puntland la leedahay dalal dibadeed oo ay ka mid tahay Imaaraadka Carabta. Waxaa laga yaabaa in Turkigu uu doonayo inuu meesha ka saaro saameynta sii kordheysa ee Imaaraadka ee gudaha Puntland, gaar ahaan dhanka dekedaha iyo garoomada diyaaradaha.


Comments