Dagaallada sokeeye waa masiibooyin burburiya nabadda, horumarka, iyo nolosha shacabka. Si looga hortago dagaallada sokeeye – sida kuwan ka dhacaya Meersiis ama meelaha kale ee uu daryanka rasaasta gaarayo xitaa meelaha fog – waxaa loo baahan yahay isbeddel qoto dheer oo heer bulsho, siyaasadeed, iyo dhaqanba ah. Waxaa ka mid ah talaabooyinka muhiimka ah ee looga hortagi karo dagaallada sokeeye:
---
1. Dib-u-heshiisiin dhab ah
Waa in la dhisaa hannaan waara oo dadka isku haya, qabiilooyinka, ama kooxaha isku khilaafsan ay si daacad ah isugu yimaadaan.
Guddiyo nabadeed oo ka kooban odayaal dhaqameed, culimo, haween iyo dhalinyaro waa in la taageeraa si ay u dhex dhexaadiyaan.
2. Cadaalad iyo la xisaabtan
Dagaallada sokeeye badanaa waxay ka dhashaan caddaalad-darro. Waa in la xaqiijiyaa in dadku helaan xuquuqdooda oo aan laga takoorin.
Xaaladaha ay dulmiga, musuqmaasuqa iyo eexdu ku bateen waa in si degdeg ah wax looga qabtaa.
3. Kobcinta wacyiga shacabka
Bulshada waa in la baraa qiimaha nabadda iyo dhibaatada dagaalka.
Warbaahinta, masjidyada, iyo iskuulada waa in laga bilaabo olole wacyigelin ah oo xoog leh.
4. Xakamaynta hubka
Hubka sida xorta ah ku jira gacanta shacabka waa inuu noqdaa mid la xakameeyo.
Ciidamada ammaanka waa in la qalabeeyaa, la tababaa, lana hanuuniyaa si ay nabadda u ilaaliyaan, ee aysan ka mid noqon colaadda.
5. Dhalinyarada la siiyo fursado
Dhalinyarada shaqo la’aanta ah waa kuwo si sahal ah loogu qanci karo in ay dagaal galaan.
Waa in loo sameeyo shaqo-abuur, waxbarasho xirfadeed, iyo barnaamijyo horumarin noloshooda.
6. Doorashooyin xalaal ah iyo dowladnimo hufan
Dadku haddii ay arkaan in ay codkooda wax ku go’aamin karaan, waxay ka leexanayaan dagaal.
Comments
Post a Comment