Wargaadhi, Shabeellaha Dhexe – Deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa maanta la kulmay weerar xooggan oo ku billowday qaraxyo culus, iyadoo ay qaaday kooxda xagjirka ah. Weerarka ayaa lagu beegsaday saldhigyada ciidamada dowladda Federaalka iyo maleeshiyaadka Macawiisleyda ee deegaankaasi ku sugan.
Goob-joogayaal ayaa xaqiijiyay in dagaalka uu billowday waaberigii hore, islamarkaana uu socday muddo saacado ah, taasoo sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo shaacin tirada saxda ah ee khasaaraha.
Dadka deegaanka ayaa muujiyay cabsi iyo walaac xoogan, maadaama uu weerarku keenay barakac iyo jahawareer, iyadoo kooxda xagjirka ah la rumeysan yahay inay doonayso inay dib u qabsato deegaankaasi istiraatiijiga ah.
Comments
Post a Comment