Waxaa deegaanka Cali Ganeey ee gobolka Hiiraan ka dhacay shil gaari oo sababay khasaare nafeed, kadib markii uu rogmaday gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda.
Waxaa deegaanka Cali Ganeey ee gobolka Hiiraan ka dhacay shil gaari oo sababay khasaare nafeed, kadib markii uu rogmaday gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda.
Wararka laga helayo goobta shilka ayaa sheegaya in tirada guud ee dadka ku dhintay ay gaarayso lix (6) qof. Afar (4) ka mid ah dadkaas waa askar, halka labada (2) kale ay yihiin shacab deegaanka ah oo carruur ah.
Shilka ayaa ka dhacay bartamaha magaalada, waxaana la rumeysan yahay in uu yimid kadib markii gaariga uu waayay xawaaraha ama kantaroolka.
Laamaha ammaanka iyo maamulka deegaanka ayaa bilaabay baaritaan ku saabsan sababta rasmiga ah ee shilka, iyadoo la filayo in faahfaahin dheeraad ah laga bixiyo saacadaha ama maalmaha soo socda.
Comments
Post a Comment