Waxaa istaagtay shaqadii Baarlamaanka kaddib khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay xildhibaanada iyo hogaanka Baarlamaanka. Sababta ugu weyn ee keentay hakadka howlaha Baarlamaanka ayaa la sheegay inay tahay muran ka dhashay ajandayaasha la horkeenayo Baarlamaanka iyo sida loo maareynayo kulamada.
Xildhibaanada qaar ayaa ku eedeeyay Guddoonka inuu si ku-meel gaar ah u joojiyay kulamadii Baarlamaanka iyada oo aan la marin habraacii sharciga ahaa. Tani waxay dhalisay caro iyo dood xoogan oo laga dareemay gudaha xarunta Baarlamaanka.
Waxaa la filayaa in wadahadallo iyo kulamo gaar ah la isugu yimaado si loo xalliyo khilaafka, loogana shaqeeyo sidii shaqada Baarlamaanka dib loogu bilaabi lahaa.
Comments
Post a Comment