Ciidamada ilaalada xeebaha Puntland ayaa gacanta ku dhigay doon siday muwaadiniin Soomaaliyeed iyo dad ajaanib ah, kadib markii ay cillad ku timid doonta oo shidaalku ka dhammaaday.
Doontan ayaa lasoo wariyay in shidaalka uu ka go’ay xilli ay maraysay deegaanka Bacaad ee gobolka Bari, taasoo keentay in si degdeg ah u farageliyaan ciidamada badda Puntland. Kadib baaritaan kooban, waxaa la xaqiijiyay in dadka saarnaa ay isugu jiraan Soomaali iyo ajaanib, kuwaas oo la tuhunsan yahay in ay safar sharci-darro ah ku jireen.
Ilaa iyo hadda, ma cadda tirada rasmiga ah ee dadka saarnaa doonta iyo waddamada ay kasoo jeedaan ajaanibta, hase yeeshee ciidamada ammaanka ayaa bilaabay baaritaan rasmi ah si loo ogaado ujeeddada safarkooda iyo ciddii ka dambeysay.
Warbixin faahfaahsan ayaa la filayaa in laga bixiyo maalmaha soo socda, iyadoo maamulka Puntland uu sheegay in sharciga la horkeeni doono cid kasta oo ku lug yeelata falalka noocan ah.
Comments
Post a Comment