Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shirka Spring Meetings la hortagaysa qorshayaal cad oo waafaqsan hiigsiga horumarineed ee dalka,

 Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige, iyo wafdi uu horkacayo ayaa soo gaadhay magaalada Washington DC, halkaas oo lagu qabanayo shirweynaha gu’ga ee 𝐒𝐩𝐫𝐢𝐧𝐠𝐌𝐞𝐞𝐭𝐢𝐧𝐠𝐬𝟐𝟎𝟐𝟓 oo ay si wadajir ah u qabanayaan Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka.

Wafdiga Wasiirka Maaliyadda, oo ay qeyb ka ahaayeen wakiillo ka socday xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Qorsheynta, Bangiga Dhexe iyo Hey’adda Warbixinada Maaliyadda, ayaa kulamo gaar ah la yeeshay madax sare oo ka tirsan IMF iyo Bangiga Adduunka, kahor inta aan la guda galin kulamada guud ee shirweynaha.


Comments