Maamulka Jubaland ayaa soo saaray amar xasaasi ah oo ku saabsan garoonka diyaaradaha ee Raas Kambooni.

 War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Duulista Hawada ee dowlad goboleedka Jubaland ayaa lagu sheegay in duulimaadyada garoonka diyaaradaha magaalada Raas Kambooni ee gobolka Jubada Hoose la hakiyey, iyadoo shirkadaha diyaaradaha loo diray digniin. Jubaland ayaa tilmaamtay in amarkan uu si gaar ah ugu socdo shirkadaha diyaaradaha ee gudaha Soomaaliya ka howlgala, maadaama xaalad colaadeed ay ka taagan tahay magaalada.

Sidoo kale, digniinta ayaa lagu sheegay in diyaaradaha aan u hogaansamin amarka ay qaadi doonaan masuuliyadda wixii ka dhasha.

Comments