Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa, iyagoo ansixiyay xubnaha guddiga doorashooyinka iyo soohdimaha Qaranka

 Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa, halkaas oo ay ku ansixiyeen xubnaha guddiga doorashooyinka iyo soohdimaha Qaranka, kuwaas oo habeenkii hore ay soo ansixiyeen golaha wasiirrada.

Kulanka baarlamaanka ayaa ku furmay jawi buuq iyo foodo wata, iyadoo xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ay firimbiyeeynayeen isla markaana qaylo ka samaynayeen gudaha hoolka. Daqiiqado kooban ayaa hoolka golaha ka jiray kacsanaan iyo is-maandhaaf.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe, oo shir guddoominayay, ayaa ku dhawaaqay natiijada codbixinta, isagoo sheegay in 169 xildhibaan ay ogolaadeen xubnaha guddiga, halka 6 xildhibaan ay diideen, cidna aysan ka aamustay.

Guddigan cusub ee la ansixiyay ayaa lagu wargeliyay in ay bilaabaan diyaarinta doorashada qof iyo cod ah. Si kastaba ha ahaatee, dhinacyo ka soo horjeeda ayaa ku doodaya in doorashadaasi aysan suurto-gal noqon karin waqtigan, iyagoo tilmaamaya caqabadaha siyaasadeed iyo amni ee jira.

Comments