Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam

 Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), kaasi oo dhawaan dib loogu doortay doorasho ka dhacday magaalada Kismaayo.

Warqadda rasmi ah ee ka soo baxday maxkamadda ayaa taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya, Jeneraal Asad Diyaano, loogu faray in uu fuliyo amarkaasi, islamarkaana Axmed Madoobe uu horkeeno maxkamadda si sharciga loo marsiiyo.

Arrintan ayaa soo jiidatay dareenka siyaasadeed ee dalka, iyadoo ay suurta-gal tahay inay sii kordhiso xiisadda ka jirta Jubbaland iyo dowladda federaalka.

Comments