Donald Trump ayaa markale ku soo laabtay xafiiska madaxweynaha Mareykanka

 Donald Trump ayaa markale ku soo laabtay xafiiska madaxweynaha Mareykanka kadib markii uu ku guuleystay doorashada madaxweynenimada, taasoo noqotay soo laabasho cajiib ah oo uu ku sameeyay siyaasadda Mareykanka. Trump ayaa sanadkii hore diiday in uu aqbalo guul-darro, wuxuuna huriyay kacdoon rabshado wata oo ka dhacay Capitol-ka, iyada oo sidoo kale lagu soo oogay dembiyo halis ah. Trump ayaa sidoo kale ka badbaaday laba isku-day oo dil loogu qorsheeyay.

Guusha uu ka soo hooyay Wisconsin waxay siisay tirada loo baahan yahay ee 270 cod oo ergada Electoral College ah si uu madaxweyne u noqdo. Markii uu horey ugu guuleystay doorashadii 2016, Trump wuxuu helay tirada loo baahan yahay ee ergada, hase yeeshee markan wuxuu helay codadka shacabka iyo kuwa ergada labadaba.

Doorashadan waxay xaqiijinaysaa habkiisa siyaasadeed ee adag. Trump wuxuu si adag u weeraray Kamala Harris, oo ah musharraxa Dimuqraaddiga, isaga oo isticmaalay hadallo ay ku jiraan faquuq iyo jinsiyad nacayb ah, oo uu ku muujinayay sawir naxdin leh oo ah dal ay qaxooti rabshado wata hareereeyeen.

Harris waxay u jawaabtay iyada oo Trump ku tilmaamtay inuu khatar ku yahay dimoqraadiyadda, isla markaana ay u aqoonsatay "faashis". Hadalladiisa kulul iyo muuqaalkiisa xooggan ayaa taageero ka helay codbixiyeyaal careysan, gaar ahaan rag, iyadoo dalka uu si aad ah ugu kala qeybsan yahay siyaasadda.

Sicir bararka iyo kororka qiimaha badeecooyinka ee billowday xilligii Biden ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa niyad-jabka Kamala Harris ee ay rajeyneysay in ay ku noqoto haweeneydii ugu horeysay ee Mareykanka madaxweyne ka noqota.

Sida madaxweyne, Trump ayaa ballan qaaday inuu hirgelin doono ajande uu ku doonayo inuu si weyn u beddelo dowladda federaalka, isla markaana uu beegsado cadowgiisa siyaasadeed. Isaga oo la hadlayay taageerayaashiisa Arbacada (Nov. 06) subaxdii, Trump wuxuu sheegay inuu helay "wakiilnimo xooggan oo aan hore loo arag.

Comments