Ciidamadii ka tirsanaa Daraawiishta Jubbaland ee isku dhiibay ciidamada dowladda federaalka ayaa maanta lagu wadaa in loo soo qaado magaalada Muqdisho
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inay magaalada Muqdisho keento ku dhowaad 100 askari oo hore uga tirsanaa Daraawiishta Jubbaland, kuwaas oo shalay isku dhiibay ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugnaa aagga deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.
Sida wararka qaar sheegayaan, dowladda ayaa diyaarad u dirtay askartan si loogu soo wareejiyo Muqdisho, halkaas oo la filayo in soo dhoweyn rasmi ah loogu sameeyo.
Xog rasmi ah ayaa tilmaamaysa in askartan la siin doono abaal-marinno, xuquuqda askarinimada, mushaaraad, iyo dalacsiin si ay uga mid noqdaan ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Comments
Post a Comment