Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cali Dige, ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkiisa ee Villa Soomaaliya, isaga oo soo saaray warbixin faahfaahsan.
Mudane Dige wuxuu caddeeyay in uu maanta ka tegay shaqadiisa, isagoo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uga mahadceliyay fursaddii uu siiyay in uu la shaqeeyo intii lagu jiray labo xilli oo muhiim ah.
"Maanta, oo taariikhdu tahay 2-da Nofeembar 2024, waxaan halkan ku soo gudbinayaa warqadda ka tegista xilka Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Qaranka (Villa Soomaaliya), anigoo mahadcelinaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya fursaddii uu ii siiyay in aan la shaqeeyo waqtigii xasaasiga ahaa," ayuu yiri warqadda is-casilaadda.
Mudane Cabdulqaadir Cali Dige, Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa sidoo kale xusay in muddada uu xafiiska jooga uu hirgeliyay olole warbaahin oo door muhiim ah ka qaatay dib u doorashadii madaxweynaha Xasan Sheekh.
“Waxaan rabaa in aan xuso in aan hirgeliyay olole warbaahin oo miro dhalay, kaas oo madaxweynihii hore ee Soomaaliya uu markii ugu horeysay taariikhda ku guuleystay tartanka madaxtinimada isagoo mar kale soo laabtay,” ayuu yiri Mr. Dige.
Agaasimahan is-casilay wuxuu kaloo caddeeyay in muddada uu xafiiska joogay uu ka shaqeeyay xoojinta xiriirka ka dhexeeya madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliyeed.
Comments
Post a Comment