Xildibaannada kasoo jeeda deegaanada SSC-Khaatuma ee ku jira baarlamaanka Soomaaliya ayaa diiday inay ka qayb-galaan kulanka wada-tashiga ee ay Puntland ugu yeertay xildhibaanadda laga soo doortay deegaanada maamulkaasi.
“Salaan qiime badan kadib waxaan halkan ugu cadaynayaa Shacabka SSC KHAATUMO in anigoo tixgelinaya go’aanka Shacabka SSC KHAATUMO ku gaadheen 06/02/2023 in ay noqdaan maamul madaxbanaan oo si toos ah u hoos taga dowwladda federaalka Soomaaliya. Kaas oo aan isla maalintaasba aqbalay aanan ka hor imanayn. Sababtaas darteedna aanan uga qayb gelayn shirka maamulka Puntland ku dalbaday in Garoowe lagu qabto. Sidoo kale waxaan qoraalkan ku cadaynayaa in aan shacabka SSC KHAATUMO ku metelo Baarlamaanka Soomaaliya, danahoodana ka shaqayn doono” ayuu xildhibaanku.C/raxmaan Ibraahim Warsame (Qowdhan)
https://www.caasimada.net/xildhibaannada-kasoo-jeeda-ssc-oo-diiday-wadatashiga-puntland-ugu-yeertay-xog/#:~:text=Shirka%20Garoowe%20ee%20loogu%20yeeray%20xildhibaannada%20Puntland%20ku%20metala%20labada%20Aqal%20ee%20baarlamaanka%20Soomaaliya%20ayaa%20la%20qorsheynayaa%20inuu%20qabsoomo%20wixii%20ka%20dambeeya%20Sabtida%20soo%20socota%2C
Comments
Post a Comment