Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Abdullahi (Asad Diyaano), ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay safiirka dowladda Qatar u jooga Soomaaliya, Dr. Cabdullahi Binu Salem Al Nuaimi.
Waxay sidoo kale ka wada hadleen doorka dowladda Qatar ee ku aaddan horumarinta tayada ciidanka iyo xaqiijinta nabadgelyada gudaha Soomaaliya, si loo adkeeyo amniga iyo wada shaqeynta labada dal ee dhinaca booliiska.
Taliyaha cusub ee ciidanka booliiska Soomaaliya Jeneraal Asad Diyaano , ayaa maalmahan wada kulamo uu la qaadanayo qaar kamid ah safiirrada dalalka caalamka u jooga Soomaaliya, kuwaa uu kala hadlayay taageerada ay siiyaan ciidanka booliiska Soomaaliya.
Comments
Post a Comment