Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki, iyo dhigiisa Masar iyo Somalia Abdel Fattah El-Sisi Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa War murtiyeed wadajir ah ka soo saaray kulan sadex geesood ah oo ka dhacay dalka ereteriya
Ka dib casuumaad wanaagsan oo uu u fidiyay Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar Mudane Abdel Fattah El-Sisi iyo Madaxweynaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Saddexda Madaxweyne waxay maanta ku kulmeen asmara
Saddexda Madaxweyne waxay hoosta ka xariiqeen inay lama huraan tahay in loo hoggaansamo mabaadi’da aasaasiga ah iyo tiirarka sharciga caalamiga ah oo saldhig u ah xasilloonida iyo iskaashiga gobolka: gaar ahaan ixtiraamka aan mugdi ku jirin ee madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka gobolka; ka hortagga faragelinta arrimaha gudaha ee dalalka gobolka; isku xirka dadaallada wadajirka ah ee lagu gaarayo xasilloonida gobolka; iyo abuurista jawi ku habboon horumarka wadajirka ah iyo kuwa waar
hadaba warmurtiyeedkii waxaa kamid ahaa
in loo howlgalo xal u helida qalalaasaha ka taagan Suudaan iyo saamaynta gobolka.
Xaaladda Soomaaliya marka la eego is-bedellada gobolka ee u dambeeyay.
Arrimaha amniga iyo iskaashiga u dhexeeya Waddamada Badda Cas iyo marin biyoodka Bab al-Mandab iyada oo la eegayo muhiimadda ugu weyn ee ay leedahay marin badeed muhiim ah.
Hannaanka isku xirka diblomaasiyadeed iyo dadaallada wadajirka ah ee ka dhexeeya saddexda waddan.
Comments
Post a Comment