Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugnaa dalka Eritrea ayaa wuxuu kormeer ku tegay xerada ay ku tababaranayaan ciidamada cirka Soomaaliyeed
Sidoo kale wuxuu xusay muhiimadda ay ciidamada u leeyihiin ilaalinta madaxbanaanida, gobnimada iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed
Madaxweynaha ayaa ciidamada ku boorriyay in ay sii xoojiyaan dadaalkooda aqoon kororsiga ah, si ay door taariikhi ah uga qaataan dib u xoreynta iyo sugidda amniga dalkooda
Madaxweyne Xasan ayaa halkaasi uga dhageystay warbixinno kala duwan macallimiinta iyo saraakiisha hoggaaminaya ciidamada,
Eritrea ayaa sannadihii u dambeeyey lagu tababarayey ciidamo kumannaan ah oo Soomaali ah kuwaasi oo qaarkood soo laabteen,
Comments
Post a Comment