Kenya ayaa meesha ka saartay khidmadii gelitaanka Koonfur Afrika iyo ajaaniibta kale
Kenya ayaa ka dhaaftay lacagihii lagu geli lahaa dadka heysta baasaboorka Koonfur Afrika lix dal oo kale, kadib markii si weyn loo dhaliilay lacagta 30-ka dollar ee dhawaan la soo rogay.
Talaabadan ayaa looga gol leeyahay in kor loogu qaado dalxiiska iyo soo jiidashada dadka safarka ah ee ganacsada.
arintaan hadda waxay khuseeyaan dadka haysta baasaboorka Koonfur Afrika, Itoobiya, Ereteriya, Kongo-Brazzaville, Comoros, Mozambique, iyo xubnaha ururka bulshada Bariga Afrika (EAC).
San Marino, oo ah waddanka saddexaad ee ugu yar Yurub, waa waddanka kaliya ee kale ee ku jira liiska ka-dhaafitaanka.
Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Kenya iyo waaxda socdaalka ayaa lagu sheegay in dalalka laga cafiyay ay “heshiisyada baabi’inta fiisaha la galeen dowladda Bariga Afrika.
Si kastaba ha ahaatee, dadka safarka ah ee ka socda wadamadan ayaa wali u baahan doona inay helaan dukumeenti ogolaanshaha safarka elegtarooniga ah (ETA) kaas oo shaqaynaya 90 maalmood.
Comments
Post a Comment